7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 28, 2022
Maamulka Hirshabeelle oo sheegay in ay iyagu dalbadeen ciidamada la geeyay magaalada Baladweyne
 

Jimco, Janaayo, 28, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa kasoo horjeestay go’aankii kasoo baxay golaha wasiiradda ee lagu amray in ciidamada la geeyay Baladweyne dib looga soo celiyo.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay inay iyagu dalbadeen ciidamada gobolka Hiiraan la geeyay, isagoo sheegay ujeedada laga leeyahay in ay tahay in ay dib ufuraan waddooyinka Shabaabku go’doomiyeen ee soo gala gobolka Hiiraan.

"Annaga dalbanay ciidamada dowladda noosoo dirtay. Golaha wasiiradduna dowladday katirsan yihiin. Cidday amarka siinayaan Hirshabeelle ma ahan. Dowladda Soomaaliyeed iyadu ha is warsato" ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu  sheegay ciidamada Baladweyne tagay in amarka lagusoo diray uu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay arrintaasi in ay ka wada hadleen madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe.

Dabageed wuxuu beeniyay ciidamadaas in loo adeegsanayo xiisadaha magaalada Baladweyne ka jirta. Wuxuu sheegay dad siyaasiyiin ah oo Muqdisho ku sugan in ay marin habaabinayaan arrintaas.

Shalay ayay ahayd markii golaha wasiiraddu ka hor yimaadeen ciidamada la geeyay magaalada Baladweyne, waxayna amar ku bixiyeen in dib loogasoo celiyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online