7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 28, 2022
Madaxwayne Mustafe cagjar oo ka hadlay shidaal yari in muddo ahba ka jirtay magaalada Jigjiga

Jimco, Janaayo, 28, 2022 (HOL) - Madaxwayne Mustafe cagjar, ayaa bartiisa Facebook ga kaga hadlay Shidaal la'aanta bilihii u dambaysay si baahsan uga jirtay dowlad degaanka Soomaalida, gaar ahaan magaalada Jigjiga.

Madaxwaynaha ayaa eeda shidaal la'aanta dusha uga tuuray ganacsatada shidaalka, oo uu ku tilmaamay inay yihiin ganacsato dhiig miirato ah, iyo waliba hay'adihii hawshan lahaa ku daba galkeeda, oo uu sheegay Madaxwaynuhu inay hawshoodii ka gaabiyeen.

" Shidaal la’aanta bilahan ka jirtay deegaanka oo eeda ugu wayn ay leeyihiin ganacsato dhiig-miirata ah, oo diin iyo dad toona aan danaynayn iyo hay’adihii loo xilsaaray oo ka gaabiyay gudashada waajibaadkoodu, waa qayb yar oo kamid ah natiijooyinka ka dhashay dambiyadda dhaqaalaha oo sidii loo baahnaa aan loola halgamin", ayuu Madaxwayne Mustafe cagjar ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Jigjiga ayaa bilihii u dambeeyay la daala dhacaysay shidaal yari baahsan, kaddib markii la sheegay in shidaalkii degaanka loogu talogalay, laga saaro xadka oo lageeyo dalalka dariska ah.

Dowladda ayaa go'aan ay dhawaan soo saartay ku sheegtay, in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo ciddii la arko iyadoo shidaal ka saaraysa degaanka, oo talaabinaysa xadka iyadoo u iibganaysa dalalka dariska ah.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]