7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 28, 2022
Somaliland oo sheegtay in Itoobiya anay wax saami ah ku lahayn Dekedda Berbera
 

Jimco, Janaayo, 28, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyada Somaliland DR. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in heshiiskii ay Itoobiga %19 uga yeelanaysay saamiga Dekedda Berbera uu burburay.

Wasiirka oo marti ku ahaa barnaamijka "La hadal Horyaal" ee uu baahiyo muuqbaahiyaha Horyaal, ayaa sheegay in Somaliland iyo DPworld oo kali ahi, ay leeyihiin faa'iidada kasoo baxd Dekedda Berbera, isla markaana Itoobiya anay waxba ku lahayn.

"Saamiga shirkada DPworld  Berbera la yidhaahdo waxaa iska leh DPworld iyo Somaliland, Somaliland %35 ayay leedahay DPworld-na %65,  heshiiska halkaa lagu galay ee sidaa loo kala qayb saday saamiga Itoobiya qayb kama aha" ayuu yidhi Wasiir Shire.

Wasiir Shire ayaa sheegay in aanu jirin heshiis rasmi ah oo dowlada Itoobiya qayb looga siiyay saamiga Dekedda Berbera, isla markaana uu jiray kaliya isfaham arrintaa layskula soo qaaday, is fahamkaas oo markii danbe aan hirgalin.

"2017 bishii February, shir lagu galay Abu Dhabi oo qolada Itoobiyaan kuna yimaadeen, ayaa waxaa jiray isfaham ah in %19 la siiyo dowlada Itoobiya lakiin muu dhaqan galin" ayuu yidhi Wasiir Shire.

Burburka ku yimid is fahamkii lagu doonayay in saami dhan %19 faa'iidada Dekedda Berbera lagaga siiyo Itoobiya, ayaa heshiiska ka dhigaya in DPworld ay yeelanayso %65, Somaliland-na yeelanayso %35, sida uu sheegay wasiir Shire.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]