7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 28, 2022
War murtiyeed kasoo baxay shirka garsoorka dalka
 

Jimco, Janaayo, 28, 2022 (HOL) - Shirka arrimaha garsoorka dalka ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo lagasoo saaray war murtiyeed lagu sheegay in garsoorka dalku uu u baahan yahay wax ka beddel weyn.

Shirka garsoorka waxaa isugu yimid bahwadaagta caddaalada heer Fadaraal iyo heer maamul goboleed, ayaa waxa lagu gorfeeyey guulaha uu gaaray garsoorka dalku, caqabadaha uu wajahaayo iyo sidii xal waara looga gaari lahaa.

Shirka ayaa halku dhigga sanadkaan u asteeyey "Garsoor Hanta Kalsoonida Bulshada", ujeeddada laga leeyahayna ay tahay in bulshada iyo garsoorka dalku ay noqdaan kuwo si dhow u wada shaqeeya, wada ilaaliya sarraynta sharciga iyo ku dhaqankiisa.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka lagasoo saaray.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online