7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 27, 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu dooranaayo Magaalada Dhuusamareeb

Khamiis, Janaayo, 27, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ay dhacdo doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Kuraasta maanta doorashadooda ay ka dhici doonto Dhuusamareeb ayaa tirsigoodu kala yahay HOP 89, HOP 248, HOP 96, HOP 64, waxaana xusid mudan in kuraastaasi kursi ka mid ah oo ah HOP 248, in loo xiray Jenaraal Saadaq Cumar Xasan loo yaqaano Saadaq Joon.

Doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goobjoog ka noqon doono xubno ka tirsan guddiga doorashada heer Fedaraal iyo kuwa hirgelinta doorashada Galmudug.

Waxaa sidoo kale la filayaa in maanta doorashooyin kale oo kuraasta Golaha Shacabka ah iney ka dhacaan magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, waxaana maamul goboleedyada dalka ay haatan u muuqanayaan kuwa dardar gelinaya doorashada kuraasta Aqalka Hoose oo lagu wado in 25-ka Febraayo lagu soo gabagabeeyo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online