4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 25, 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay qabashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka
 

Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in maalmaha berito iyo saad dambe oo taariiqda ku beegan tahay 26-27 ka bisha Janaayo ay bilaabaneyso diiwaan gelinta, tababarka iyo shaacinta guddiga soo xulista Ergada.

Lixda kursi ay shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa sadax ka mid ah waxaa ku tartami doono Dumar ay ka mid tahay Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiirka Gargaarka Maareynta iyo Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya, waxaana doorashada kuraastan la shaaciyay ay dhici doonaan 31-ka bishaan Janaayo.

Hoos ka akhriso Jadwalka ay Shaaciyeen Guddiga Doorashada Hirshabeelle.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online