4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 25, 2022
Sagaal kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi oo Maanta lagu Doortay Muqdisho


Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka lagu doortay 9 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Muqdisho oo tirsigiisu yahay HOP 245, waxaa ku wada tartamay Musharaxiinta kala ahaa Cabdiraxmaan Axmed Absuge iyo Aadan Giire Cabsiiye, waxaana kusoo baxay kursiga doorashadiisa Cabdiraxmaan Axmed Absuge oo loogu codeeyay hab gacan taag ah, kadib markuu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa.

Kursiga labaad ee doorashadii maanta ka dhacday Muqdisho oo tirsigiisu yahay HOP 247, waxaa kusoo baxday Khadra Maxamed Tukaale oo ku fadhisay kurasiga afartii sano ee lasoo dhaafay, kadib markii ay tanaasushay Filsan Jaamac Cismaan oo aheyd Musharaxii la tartami laheyd Khadra Maxamed.

Kursiga sadaxaad ee doorashadii Maanta dhacday oo tirsigiisu yahay HOP 215, waxaa ku guuleystay Ayuub Ismaaciil Yuusuf, kadib markii uu u tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Axmed Yuusuf Bakaal, waxaana kursigaan afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Faatix Saciid Xasan.

Kursiga afaraad ee maanta la doortay oo tirsigiisu yahay HOP 214, waxaa kusoo baxay Cilmi Maxamed Nuur oo kursiga horay ugu fadhiyay, kadib markey tanasushay Tusmo Jaamac Liibaan oo aheyd Musharaxii la tartami laheyd.

Kursiga shanaad ee sumadiisu tahay HOP 209, waxaana kusoo baxay kursigaan Maxamed Xuseen Haadi, waxaana kursiga ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble.

Doorashada kursi lixaad ee HOP 211,waxaa markale kusoo baxday Caasho Koos Maxamuud oo ku fadhisay afartii sano ee lasoo dhaafay, waxaana kursiga todobaad doorashada maanta Miqdisho ka dhacday ee HOP 201, waxaa kusoo baxay Cabdullaahi Xaashi Abiib, waxaana kursigaa horay ugu fadhiyay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, halka kursiga sideedaad ee HOP 257, waxaa kuso baxday Nadra Saalax Cabdi waxaana kursiga horay ugu fadhiyay Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali Axmed.

Kursiga sagaalaad oo ahaa kursiga ugu dambeeyay doorashadii maanta ka dhacday Muqdisho ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay HOP 260, waxaa isku soo sharaxay ilaa 5 Musharax, waxaana wareega labaad usoo gudbay sadax Musharax oo kala ahaa Suleymaan Cali Xuseen oo helay 62, Filsan Axmed Ismaciil oo heshay 22 cod iyo Cabdinasir Axmed Garow oo helay 15 cod, waxaana kursiga kusoo baxay Suleymaan Cali Xuseen oo noqday Xildhibaanka afarta sano ee soo socota, waxaana xusid mudan in kursigaan uu ahaa midkii ugu adkaa ee doorashada maanta ka dhacday Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online