4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 25, 2022
Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo qabtay doorashada 3 kursi oo aqalka hoose ah
 

Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee koonfur galbeed ayaa maanta dib u billaabay doorashada kuraasta aqalka hoose, iyadoo maantana magaalada Baydhabo lagu doortay saddex kursi.

Maxamed Jaamac Mursal (Geele) ayaa ku guuleystay kursigii ugu horreeyay doorashada maanta dhacday, kursigaas oo Tirsigiisa uu yahay Hop-056, isagoo helay 79 cod, Maxamed-Nuur Cabdulaahi Jaamac uu heley 21-cod.

Isaaq Maxamuud Mursal (Fanax) ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-231 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 72 cod halka musharaxii la tartamayay Maxamuud Cali Mursal uu heley 15-cod.

Siid cali Isaaq Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-002 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 82-cod halka musharaxii la tartamayay Mowliid Nuur Xasan uu heley 18-cod.

Musharrax Maxamed Wardheere Cabdi ayaa ku guulaystay kursiga 4-aad ee Tirsigiisa uu yahay HOP-046, isagoo helay codad gaaraya 83-cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdulaahi Samow Cusmaan uu heley 11-cod

Doorashada maanta ka dhacday koonfur galbeed ma ahayn mid ay loolan adag ku galeen musharraxiinta tartamayay, waxaana xidlhibaannada guulaystay ay kusoo baxeen codadka aad u badan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online