4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 25, 2022
Wararkii ugu dambeeyay xaalada Magaalada Baledweyne iyo Taliye Nuur Dheere oo ka hadlay
 

Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Xaalada magaalada Baledweyne ayaa duhurnimadii Maanta si caadi ah kusoo laabtay kadib markii ciidamo aad u hubeysanaa oo watay gaadiidka dagaalka  saaka aroornimadii hore la wareegeen inta badan magaalada Baledweyne ay dib ugu laabteen xarumahii ay ku lahayeen gudaha magaalada Baledweyne.

Ciidamadaan oo diidana safar la sheegay in maanta lagu waday in Baledweyne lagu geeyo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ay diidan yihiin shacabka reer Hiiraan oo si weyn uga horyimid hab dhismeedka labaad ee maamulka Hirshabeelle.

Taliyaha hoggaaminaayay ciidamada hubeysnaa ee fashiliyay qorshaha lagu doonayay in Cali Guudlaawe si awood ah loogu keeno magaalada Baledweyne Korneyl Nuur Dheere oo warbaahinta kula hadlay bartamaha magaalada Baledweyne ayaa sheegay inaysan jirin cid keeni karta Cali Guudlaawe gudaha magaalada Baledweyne inta ay diidan yihiin shacabka reer Hiiraan.

"Waxaan u mahadcelinaya dhamaan bulshada reer Hiiraan ka hortagii maanta ay ku muujiyeen shacuurtooda ku aadan ninka cadawga ah ee 24,ka saac Baledweyne usoo hanqal taagaya, Baledweyne waxa uu leeyahay rag iyo alle, waxaana horay u sheegnay inaan laga ogoleyn Baledweyne Cali Guudlaawe iyo Hirshabeelle kuwa meeshan joogana ma keeni karaan Baledweyne, anaga iska leh anaga u dhimabeyno dadaana horay ugu soo dhintay ee yaaanan lagu sirin cid ku keeni karta Baledweyne majirte" ayuu yiri Korneyl Nuur Dheere.

Ciidamadaan hubeysan mudadii ay ku sugnaayeen wadooyinka Baledweyne majirin wax dhaqdhaqaaq ah oo ay sameyeen ciidamada Militariga iyo Booliiska ku sugan magaalada baledweyne, kuwaas oo ku xareysnaa xarumahooda Saldhiga Booliiska iyo Xerada Lamagalaay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo hubeysan oo diidan imaasha Cali Guudlaawe ee magaalada baledweyne ay fashiliyaan safarka madaxweynaha Hirshabeelle, iyadoo dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ay u fashiliyeen ciidamo iyo shacab diidan inuu Cali Guudlaawe tago magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online