4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 25, 2022
Ciidamo aad u hubeysan oo la wareegay inta badan wadooyinka Baledweyne


Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Ciidamo aad u hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka oo kasoo horjeeda safar la sheegay inuu maanta ku imaanayo magaalada Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xirtay wadada halbowlaha u ah isku socodka gudaha magaalada Baledweyne.

Ciidamadaan ayaa ah kuwa ka amar qaata Korneyl Nuur Dheere oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee golaha Kacdoonka Hiiraan, kaasoo dhawaan shaaciyay in magaalada Baledweyne uusan imaan karin madaxweynaha Hirshabeelle ilaa laga meel marinaayo tabashada shacabka reer Hiiraan.

Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa ilaa xalay waxay gudaha magaalada ka sameynayeen dibadbaxyo waa weyn oo ay uga soo horjeedaan safar lagu waday inuu maanta Cali Guudlaawe ku tago Baledweyne, kaasoo haatan u muuqanaya mid baaqday.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Hirshabeelle oo ku aadan ciidamada hubeysan ee ku sugan inta badan gudaha magaalada Baledweyne, waxaana saaka markale dib u bilaawday banaanbaxyada looga soo horjeedo Hirshabeelle.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online