4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 25, 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi oo Maanta lagu dooranayo magaalada Muqdisho
 

Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Doorashada kuraastaan ayaa lagu qabanaya Dugsiga Tababarada ciidanka Booliiska Jenaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka qaarkood la arkayaa saakay iyagoo xiran oo ciidamo farabadan ay taagan yihiin.

Kuraasta Maanta doorashadooda ka dhaceyso Muqdisho ayaa tirsigoodu kala yahay HOP 37, HOP238, HOP244, waxaana kuraastaasi ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir,  Saciid Maxamed Maxamuud Xayd iyo Huddo Axmed Cali.

Guddiga maamulaya doorashada gobolada waqooyi ee Soomaaliland ayaa horay ugu qabto magaalada Muqdisho doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, waxaana doorashadaan ay imaaneysa, xili dhawaan guddoomoye Cabdi Xaashi iyo Boqor Cismaan Buurmadoow iyo siyaasiyiin kale ay Muqdisho kaga dhawaaqeen in doorashada isaga baxeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online