Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya, Larry E.André ayaa dhaweeyay sida ay uga go’an tahay madaxda Soomaaliya in la soo gebagebeeyo doorashada Golaha Shacabka marka la gaaro 25-ka Febraayo.
newsinsideDanjire André oo ku soo aaday xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashada federaalka, ayaa maanta la filayaa in uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Safaaradda Maraykanka ayaa sheegtay in André uu horey arrimaha Soomaaliya ugasoo shaqeeyay markii uu ka ahaa La-taliyaha Safaaradda Nairobi ee 2006 ilaa 2008, isagoo Mareykanka u matalay shirar caalami ah oo ku saabsan geeddi-socodka nabadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Larry Edward André Jr bishii abril ee sannadkii hore u doortay inuu noqdo danjiraha cusub ee Mareykanka u qaabilsanaan doona Soomaaliya.
Safiirka cusub ayaa beddelay Donald Yamamoto, oo ahaa danjiraha Soomaaliya tan iyo November 2018.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online