4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 24, 2022
Danjiraha cusub uu Maraykanka usoo magacowday Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka dagay
 

Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Larry Andre ayaa maanta oo Isniin ah ka degay magaalada Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka oo war kasoo saartay imaanshihii magaalada Muqdisho waxay sheegtay, inuu safiirku aad ugu hamuun qabo in uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno imaatinka Ambassador Larry André. Waxa uu aad u jecel yahay in uu la shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed, dowlad-goboleedkooda iyo dowladdooda federaalka ah, si aan u horumarino ujeeddada aan wadaagno ee ah, Soomaaliya dib u soo noolaynteeda si ay u noqoto dal ammaan ah, barwaaqo ah, oo dimuqraadi ah,” ayay tiri safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Larry Edward André Jr bishii abril ee sannadkii hore u doortay inuu noqdo danjiraha cusub ee Mareykanka  u qaabilsanaan doona Soomaaliya.

Safiirka cusub ayaa beddelay Donald Yamamoto, oo ahaa danjiraha Soomaaliya tan iyo November 2018.

Bishii December golaha guurtida Maraykanka ayaa ansixiyay Larry Edward Andre Jr. inuu noqdo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online