4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 23, 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Kismaayo

Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose lagu doortay 6 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Kismaayo oo tirsigiisu yahay HOP 114, waxaa ku wada tartamay Musharaxiinta kala ahaa Cumar Ibraahin Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi, waxaana ku guuleystay tartankii kursiga Cumar Ibraahin Xaashi oo helay 80 cod, halka Cabdi Aadan Cabdullaahi uu helay 12 cod, waxaana halaabay 8 Cod.

Kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP 107, waxaa kusoo baxay Maxamed Sheekh Nuur oo cod gacan taag ah loogu codeeyay, kadib markuu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Xasan Cismaan Aadan.

Kursiga sadaxaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Kismaayo oo tirsigiisu yahay HOP 120, waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ahaa Asad Cabdirisaaq Maxamed iyo Saciid Cabduqaadir Shukri, waxaana kusoo baxay tartanka Asad Cabdirisaaq oo helay 77 cod, halka Saciid Cabduqaadir uu helay 18 cod, waxaana halaabay 3 cod.

Kursiga afaraad ee maanta la doortay oo tirsigiisu yahay HOP 111, waxaa ku wada tartamay Musharaxiinta kala ah Cabaas Cali Ibraahin iyo Aadan Mursal Cadoow, waxaana ku guuleystay kursiga Cabaas Cali oo helay 79 cod, halka Aadan Mursal uu ka helay 17 cod, waxaana halaabay 2 cod oo kaliya.

Kursiga shanaad oo sumadiisu tahay HOP 28, waxaa kusoo baxay cod gacan taag ah oo loogu codeeyay Cabdinuur Cali Aadan, kadib markuu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Axmed Cabdi Maxamed.

Kursiga lixaad oo ahaa kursigii ugu dambeeyay ee Maanta Kismaayo lagu doortay, kaasoo sumadiisu tahay HOP 93, waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ahaa Saciid Maxamed Cali iyo Mahdi Nuur Xaaji, waxaana ku guuleystay kursiga Saciid Maxamed oo helay codad gaarayay 74 cod, iyadoo Musharaxii kale Mahdi Nuur Xaaji uu helay 24 cod, waxaana halaabay 3 cod.

Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa haatan u muuqaneysa mid maamul goboleedyada dalka ay dardar galin hayaa habka ay ku socoto doorashada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online