4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2022
Kenya: Somaliland waxaan u aqoonsannahay qeyb kamid ah Soomaaliya
 

Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Dawladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, ka dib markii dhawaan baarlamaanka UK ay dood ka yeesheen arrintan.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqanto sidii qayb ka mid ah jamhuuriyadda Soomaaliya.

Raychelle Omamo ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi ah in loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkii hore dood dheer ka yeeshay aqoonsiga Somaliland.

Doodda oo hal saac socotay, barlamaanma UK wax go'aan ah kama gaarin arrinta qadiyada Somaliland.

Wasiirka arrimaha Afrika ee dowladda UK ayaa sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu yahay aqoonsi ku xiran dowladda Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online