4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 21, 2022
Itoobiya oo sheegtay in imaanshaha Muuse Biixi aysan dhaawacayn xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya
 

Jimco, Janaayo, 21, 2022 (HOL) - Shir jaraa'id oo uu qabtay Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Dina Mufti, ayaa gabagabadii shirkaa jaraa'id waxay wariyaasha qaar su'aalo ka waydiiyeen booqashadii dhawaan uu dalkan Itoobiya ku yimid Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Afhayeenku waxa uu sheegay in imaanshiyaha Madaxwaynaha Somaliland ee Itoobiya, aysan dhaawac u gaysanaynin xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, waxa uuna yiri Dina Mufti " Waxaan nahay dad wada dega geeska Afrika oo dano guud ka wada dhaxayso, imaanshiyaha Muuse Biixi ama qof kuu dooni ha ahaadee oo aanu kulano, ma dhaawacayso xiriirka anaga iyo Soomaaliya naga dhaxeeya".

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan booqasho ku yimid dalka Itoobiya, isagoo la kulmay Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed, balse wali si rasmi ah looma shaacin waxa ay ka wada hadleen labada mas'uul.

Geesta kale waxaa isna dalka Itoobiya booqasho ku yimid Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan cirro, booqashadan ayaa lagu sheegay inay ahayd martiqaad uu Cabdiraxmaan cirro ka helay Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, walina lama faahfaahin waxa ay salka ku hayso booqashadan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]