4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 21, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dil Muqdisho loogu geystay Nabadoon Caan ahaa

Jimco, Janaayo, 21, 2022 (HOL) - Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa dil ugu geystay Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho nabadoon Geeseey Cismaan Cabdulle oo ka mid ahaa nabadoona sida weyn looga yaqiinay magaalada Muqdisho.

Dableyda hubeysneyd ayaa nabadoonka waxay ku toogteen wadada Fagax dhexdeesa xili uu kasoo baxay Marxuumka Masaajid ku yaalay halkaasi, waxaana la tilmaamay in marxuumka dhowr xabadood lagu dhuftay , islamarkaana dableydii ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay ku dileen nabadoonka.

Allah u naxariiste nabdoon Geeseey Cismaan ayaa ka mid ahaa nabdoonada caanka ka ah magaalada Muqdisho, isagoona si gaar ah bulshada uga wacyigelin jiray isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sida caadada aheyd tagay dilka kadib goobtii lagu dilay nabadoon Geeseey Cismaan, kuwaas oo baaritaano sameeyay walow aysan jirin cid ay usoo qabteen falka lagu dilay nabadoonka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online