4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 20, 2022
Cabdiraxmaan Cirro "Ictiraadku wuu fogaan doonaa hadii madaxweynuhu ka meer meero in uu doorashooyinka qabto"
 

Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland meel fiican marayso, wuxuuna madaxweynaha uga digay in ictiraafku fogaan doono hadii aanu doorashooyinka wakhtigooda ku qaban.

Ciiro ayaa dooda Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay aqoonsiga Somaliland iyo soo dhawayntii madaxweyne Biixi loogu sameeyay Addisababa ku tilmaamay in ay tusinayaan heerka ay Somaliland marayso.

"Somaliland maanta meel fiican ayay maraysa, madaxweynuhu wuxuu ku tagay safar dalka aynu jaarka nahay, waad arkayseeno sifiican ayaa loo soo dhaweeyay, dood ayaa ka socotay Baarlamaanka Ingiriiska, waxaasi waxay ka dhasheen in Somaliland lagu bogaadinayo hanaanka dimuquraadiga ah" ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa sheegay in meeqaamka Somaliland uu hoos u dhici doona oo aan la heli doonin wax yaabaha maanta la haysto, hadii doorashadu dib u dhacdo.

"Waxan isleeyahay soo dhawayntaana waala waayi doonaa, dooda baarlamaankana waa la waayi doonaa, ictiraafkuna wuu fogaan doonaa, hadii madaxweynuhu ka meer meero in uu doorashooyinka qabto" ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa sheegay in isaguna uu safar ugu baxayo dalka Itoobiya, maalin kadib safarkii madaxweynaha.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]