7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2022
Ciidamada Badbaado Hiiraan iyo kuwa Golaha Kacdoonka Hiiraan oo Caawa gudaha u galay magaalada Baledweyne
 

Axad, January, 2, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Caawa gudaha u galeen magaalada Baledweyne ciidamada la baxay Badbaado Hiiraan ee uu hoggaamiyo Korneyl Nuur Dheere iyo ciidamada Golaha Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Jenaraal Abuukar Xuud oo iskaashanaya.

Ciidamadan Caawa lagu dhex arkay gudaha Baledweyne ayaa maanta gelinkii hore waxa uu dagaal ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle deegaanka Qawlad ee dhaca duuleedka Waqooyi bari Baledweyne.

Imaashaha ciidankan Caawa gudaha usoo galay Baledweyne ayaa kusoo beegmaysa xili ciidankii dowladda iyo kuwa Hirshabeelle ee maanta kula dagaalamay deegaanka Qowlad aysan wali dib ugu soo laaban gudaha magaalada Baledweyne.

Muqaalo lagu soo bandhigay baraha bulshada ayaa lagu arkaayay Korneyl Nuur Dheere iyo ciidamadiisa oo dhex lugeynaya wadada laamiga ee halbowlaha u ah isku socodka magaalada Baledweyne.

Dadweyne farabadan oo taageersan ciidamadan kasoo horjeeda Hirshabeelle ee Caawa lagu dhex arkay gudaha Baledweyne ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baledweyne.

Gabagabadii ciidankaan Caawa lagu dhex arkaayo gudaha magaalada Baledweyne ayaa waxay kusoo aadeysa xili galabta guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte uu sheegay in magaalada Baledweyne Caawa Bandow tahay si loo xaqiijiyo amaanka magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online