4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 19, 2022
Guddiga Doorashada Maamulka Jubbaland oo shaaciyay doorashada lix ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka
 

Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada lix kursi oo ka mid ah 14 kursi oo ay horay u shaaciyeen guddiga doorashada maamulka Jubbaland 13-kii bishaan Janaayo 2022.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska guddiga diirashada Jubbaland ayaa lagu shaaciyay in maanta oo Arbaco ah guddiga uu soo bandhigaayo Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa kuraasta doorashadooda la shaaciyay.

Qoraalka guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in diiwaan gelinta Musharaxiinta kuraasta la shaaciyay ku tartameysa iney bilaabaneyso berito oo Khamiis ah, islamarkaana doorashada lixdaan kursi ay dhici doonto Axada soo socota oo taariiqda ku beegan tahay 23.01.2022.

Kuraasta la shaaciyay tirsigooda ayaa kala ah HOP 28 oo uu ku fadhiyay afartii aano ee lasoo dhaafay  Cabdulaahi Maxamed Aadan”Shaacir” HOP 93, oo isna ku fadhoyay Sheekh Nuur Maxamed Xasan HOP 107, oo ay ku fadhisay Xaawo Maxamed Aadan HOP 111, oo uu ku fadhiyo Maxamed Nuur Iftiin”Shambara” HOP 114, oo uu ku fadhiyo Cabdulqaadir Maxamed Cusmaan iyo HOP 120, oo uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Cabdulqaadir Sheekh Cali Ibraahin Baqdaadi.

Hoos ka akhriso Jadwalka Doorashada kuraasta la Shaaciyay.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online