7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 16, 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada maamulka Hirshabeelle oo shaaciyay Doorashada 11 kursi oo ka mid Golaha Shacabka
 

Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta dooashada maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay liiska 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.

Kuraasta la shaaciyay doorashadooda ayaa waxaa qaarkood ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay Xildhibaano saameyn badan ku dhex lahaa Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Musharax madaxweyne Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Kuraasta la shaaciyay doorashadkoda ayaa kala ah sumadooda HOP 005 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cumar Ceymooy, HOP 024 oo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Cabdulkadir Carabow Ibraahim, HOP 033 oo uu ku fadhiyo Yuusuf Ibraahim Afrax kabaale, HOP 052 oo ay ku fadhiso Farxiyo Maxamud Dhaqane, HOP 070 oo uu ku fadhiyo Aadan Cali Xasan, HOP 088 oo ay ku fadhiso Dahabo Suusow Maxamuud, HOP 097 oo ay ku fadhiso  Khadiijo maxamed Diiriye, HOP 098 oo uu ku fadhiyo Maxamud Maxamed Jimcaale, HOP 106 oo ay ku fadhiso Muno Xasan Maxamed, HOP 115 oo uu ku fadhiyo  Cali Maxamed Cumar, HOP 140 oo uu ku fadhiyay Sanadihii la soo dhaafay Cabdulkadir Osoble Cali oo kamid ah Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha.

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa lagu wadaa in maamul goboleedyada si dardar leh ku bilaabaan, islamakaana ay kusoo gabagabeyaan waqtigii ay ku balameen madaxda Golaha wadatashiga Qaranka in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Hoos ka akhriso Qoraalka ay soo saareen Guddiga Doorashada Hirshabeelle.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online