7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 15, 2022
Guddoomiye Cali Yare "Warqadaha Wasiirka Amniga hadii aysan ka socon karin gobolada kale ee dalka majirto sabab Banaadir culeys loogu saaro"
 

Sabti, Janaayo, 15, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere Cali yare ayaa shir jaraa'id oo uu maanta qabtay kaga hadlay kulamo uu sheegay in sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay maamulka gobolka uu la yeeshay Odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cali yare ayaa sheegay in Odayaasha Muqdisho ay kala hadleen go'aankii uu ay ku joojiyeen banaanbaxii ka dhici rabay Muqdisho Khamiistii lasoo dhaafay, isagoona uga mahadceliyay dadaalkoodii ku aadana baajinta banaanbaxaasi oo uu sheegay inuu ahaa mid qalqalgalinaya amaanka Caasimada.

Waxuu intaasi ku daray maamulka gobolka Banaadir uu u madax banaan yahay siyaasadiisa, islamarkaana aysan jirin cid gaar ah ay kala tacaamulayaan arrimaha amniga, isagoo si gaar ah u carabaabay in wasiirka amniga wareegtadiisa aysan qusynin mar hadii uusan gobolada kale ee dalka aysan quseyn.

"Wasaaradda Amniga Waxaan ula simanahay wasaaradda amniga sida gobolada kale ee Soomalaiyeed, haddii aan waraaqaha wasaaradda amniga ka socon karin Boosaaso, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhabo ma jirto sabab culeys gaar ah loo saaro gobolka Banaadir” ayuu yiri guddoomiye Cali yare.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa noqon kara mid sii hurin kara xaalada cakirnaanta ah e siyaaaada dalka ee xiligaan u kala qeybsan laba garab oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaaraha Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo uu u dhaxeeyo loolan xoogan oo dhanka awooda dalka ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online