4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 14, 2022
Soomaalida ku nool Germany oo ka mudaharaaday sharciyo caqabad ku ah Soomaalida dalkaas
 

Jimco, Janaayo, 14, 2022 (HOL) - Dowladda Germany ayaa diiday caddeymaha aqoonsiga Soomaalinimada wixii ka dambeeyay 1991, markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaaliya.

Soomaali badan oo dalkaas tagay burburkii kadib ayaa waxay dhibaato weyn ka haysataa markii ay carruur dalkaas ugu dhalato in aan loo oggolayn in magacyadooda loogu diiwaan galiyo carruurtooda.

Soomaalida ku nool dalkaas ayaa billaabay in ay ka mudaharaadaan arrintaan iyagoo garab ka helaya dadka iyo ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda qaxootiga ku nool dalkaas.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Garmany ayaa sheegtay in ay arrintaas jirto, balse waxay tilmaamtay in ay dowladda dalkaas u gudbinayaan cabashooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Geemany Maxamed Maxamuud Tifow ayaa sheegay in dowladda Germany ay diido warqado rasmi ah oo kasoo baxa safaaradda sida guurka iyo dhalashada, kuwaas oo aysan aqoonsayn dowladda Germany, inkasta oo uu sheegay inay caqabadaas haatan yaraatay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online