4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 13, 2022
Guddiga doorashooyinka heer federal oo beeniyay in xilkii laga qaaday guddoomiyihii gudidiga doorashada Galmudug
 

Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer federal ayaa been abuur ku tilmaamay warqad baraha internetka lagu faafiyay oo la sheegay in xilka looga qaaday guddoomiyihii guddiga doorashada Galmudug, halka mid cusubna loo doortay.

Afhayeenka guddiga doorahsada heer federal Ambassador Safiina ayaa sheegay in tallaabo ay ka qaadidoonaan cid kasta oo ka dambeysay warqada lagu faafiyay internetka.

“Guddiga Seit ee Galmudug waxna wey ridi karaan, waxna wey dooran karaan, laakiin waa markay muwaafaqo ka helaan guddiga heer federal ee doorashooyinka. Marka koowaad waxay soo gudbinayaan mooshin xil ka qaadis. Guddiga federalka ee doorashada ayaa kala soo qeyb galay,”ayuu yiri afhayeenku.

Dhinaca kale guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha Guddiga, sida lagu sheegay warqad lagu faafiyay warbaahinta dowladda.

Warqadan laguma shaacin barta rasmiga ah ee guddiga doorashooyinka heer federal.

Xubno kamid ah guddiga doorashada ayaa dhawaan xilkii ka qaaday guddoomiyihii guddiga doorashada Maxamed Xasan Cirro, inkastoo uu beeniyay arrintaan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online