4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 11, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo markii ugu horaysay Maraykanka u safraya
 

Talaado, January, 11, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu safar ku tagi doono dalka Maraykanka bisha saddexaad ee sannadkan.

Wasiir Kayd oo safaradiisii u danbeeyay xog kasiinayay Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in la qaban qaabiyay safar uu madaxweynaha Somaliland ku tagayo dalka Maraykanka, kadib waftigii ka socday shaqaalaha aqalka Koongaraska Maraykanka ee Somaliland soo booqday.

"Safarkaygii dabadii waa kuwii yimid waftigii Maraykanka ahaa, kuwiina waxay keeneen in aniga iyo madaxweynuhu cisha dhaw aanu kulan la yeelan doono Heritage Foundation, taasina ay sii xaadhi doonto safar loo qaban qaabiyay in madaxweynuhu uu ku tago waddanka Maraykanka March" ayuu yidhi wasiir Kayd.

Xidhiidhka Somaliland iyo dowlada Maraykanka, ayaa dad badan oo siyaasada falanqeeyaa ay aaminsanyihiin in uu isku badali karo xidhiidh adag oo dhab ah, waxaana jira xildhibaano ka tirsan Koongaraska Maraykanka, oo dabada ka riixaya in Maraykanku Somaliland la yeesho xidhiidh amaan oo ka madax banaan dowlada Soomaaliya.

Waxa jira qaybo kamid ah warbaahinta caalamka iyo dibulumaasiyiin bilihii u danbeeyay qorayay in  xidhiidhka Somaliland uu  Maraykanka ka caawin karo in uu is hortaago is balaadhinta dowlada China ee Afrika.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]