4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 11, 2022
Kenya oo shidaal baarista kawada aagga ay maxkamaddda ICJ go'aanka horey ugasoo saartay
 

Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa xoojisay howlihii shidaal baarista ee gobolka xeebta ee Lamu, ku dhawaad sanad kadib markii ay diiday go’aankii maxkamadda caddaalada adduunka ee la xiriirtay muranka ay galisay badda Soomaaliya.

Guddoomiyaha batroolka James Ng’ang’a ayaa sheegay in shirkadda ENI Kenya Business Venture (BV) oo hore u ahaan jirtay Agip ay bishii hore ka bilaawday qodista ceelka Mlima-1 oo sidoo kale loo yaqaan Block L11B.

Tani waxay daba socotaa sahanno qoto dheer ah oo daaha ka qaaday in aaggu leeyahay awood shidaal iyo gaas. Shirkaddu waxay sheegtay in ay rajaynaysao inay siidaayaan natiijooyinka kaydka block-ga labada bilood ee soo socda.

Tan iyo bishii April ee sannadkii hore, Kenya waxa ay samaynaysay khariidadda kaydka saliidda iyo gaasta ee Lamu, in kasta oo uu muran xuduudeed ka taagan yahay aaggaas.

Goobta ay Kenya ka sameynayso shidaal baarista waxay ku taal dhulka lagu muransanaa ee maxkamadda ICJ go’aanka kasoo saartay march 2021. Arrintaas oo sabab u ahayd khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sanadkii hore sheegay in Kenya aysan ku wareejin doonin Soomaaliya xitaa taako ka mid ah dhulka laga xukumay, isagoo muujiyay sida ay Kenya uga go’an tahay inay ilaaliso wadada ay ku noqon karto waddan shidaal soo saara.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online