4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 11, 2022
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta Xukun dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda
 

Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Maxkamada ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo horay u dilay qof shacab ah oo ka mid ah dadka reer Baled Xaawo.

Askariga xukunka toogashada ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Faarax Dhaqane ayaa horay waxa uu u dilay marxuum lagu magacaabi jiray Mowliif Baashe Cumar oo ka mid ahaa farsamayagaanada cilad bixiya gaadiidka.

Xukunka toogashada ah ayaa ka dhacay goob fagaare ah oo ku taala degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, waxaana ku sugnaa goobta ehelada labada dhinac ee kala ahaa askariga dilka lagu fuliyay iyo kuwa qisaasta loo fulinaayay iyo dadweyne kale oo usoo daawasho tagay.

Dilkaan toogashada ah ee maanta ka dhacay Baled Xaawo ayaa kusoo beegmaya xili shalay degmada Luuq ee isla gobolka Gedo dil noocaan oo kale ah Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ay ku fulisay askari kale oo ka tirsana ciidamada dowladda oo horay asna u dilay qof shacab ahaa.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online