4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 11, 2022
Al-shabaab oo goordhaw la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Qalimoow ee gobolka Sh/dhexe

Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Qalimow ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goordhaw dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.

Wararka waxay sheegayaan in dagaalyahanada Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Qalimow, kaasoo ugu dambeyn u suurta galiyay iney la wareegaan gacan ku heynta deegaanka Qalimow oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka ay Al-shabaab ku galeen gudaha deegaanka Qalimow, iyagoona sheegtay iney Saldhiga deegaankaasi ka qaateen hub iyo saanad Militari oo ciidanka dowladda lahayeen.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka Hirshabeelle oo ku aadan weerarka saakay Shabaab kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Qalimow ee gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online