7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 1 , 2022
Wargeyska The Financial Times: Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya waxay fursad weyn u u tahay is-ballaarinta Alshabaab

Sabti, January, 1, 2022 (HOL) - Wargeyska The Financial Times, ee ka soo baxa dalka Britain, ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo kobaca dhaqdhaqaaqa Alshabaab, isagoo cinwaan uga dhigay, “Colaadda Soomaaliya waa mid sii xumaanaysa. Waxaan ognahay in al-Alshabaab ay ka faa’iidaysan doonto fursaddan.

Ku dhawaad hal sano ka dib markii Washington ay ciidamadeeda kala baxday Soomaaliya, kooxda Alshabaab ayaa ku hanjabtay inay Soomaaliya gelin doonto fowdo qoto dheer.

Wargeyska Ingiriiska ayaa sharaxay in cabsida ugu weyn ee dadka Soomaaliyeed ay tahay in dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ay mar kale gudaha u gali karaan Muqdisho oo laga saaray sannadkii 2011, kadib dagaal adag oo lala galay.

“Al-Shabaab waxa ay ka faa'iidaysanaysaa dagaalka ay dowladdu kula jirto Ahlusunna, xilli dowladdu ay lumisay awooddeeda ciidan ee ay kula dagaalanto al-Shabaab," ayuu wargeysku ka soo xigtay sarkaal sare oo kasoo jeeda reer galbeedka.’

Golaha Ammaanka ayaa bishan isku raacay in muddo saddex bilood ah loogu kordhiyo joogitaanka ciidamada AMISOM illaa dhammaadka bisha March ee sannadkan 2022.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online