7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 9 , 2022
Golaha wadatashiga qaran oo caawa kulan ka yeeshay arrimaha doorashada

Arbaco, Febraayo, 9, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha dowladda federalla Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa guddoomiyay kulan aallada fogaan aragga ay ku yeesheen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka.

War kooban oo kasoo baxay xafiiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay, in Kulanka looga hadlayay dhammeystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira gobolada Soomaaliya.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa guddoomiyay kulan Golaha Wadatashiga Qaranku ku yeesheen habka fogaan aragga oo looga hadlay dhammeystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiiska raysal wasaaraha.

Kulanka golaha wadatashiga ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Maraykanku walaac xooggan ay ka muujisay geeddi socodka doorashada, iyadoo ku hanjabtay inay cunaqabatayn kusoo rogayso kuwa carqalada ku ah geeddi socodka doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, 16 cishe ah ayaa ka harsan waqtigii loogu talo galay in lagusoo dhameystiro doorashada aqalka hoose, waxaana weli harsan doorashada in ka badan 150 xildhibaan.

Waxaa la saadaalinayaa in doorashada waqtigeeda dib uga dhacayso, marka loo eego waqtiga harsan iyo kuraaasta badan ee aan weli la dooran.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online