7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 9 , 2022
Magaalooyinka Somaliland oo loo samaynayo qorshe magaaleed rasmi ah

Arbaco, Febraayo, 9, 2022 (HOL) - Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland, ayaa qorshe magaaleed dhamaystiran ku wareejisay mayaarada magaalooyinka Somaliland.

Xaflad lagu qabtay madaxtooyada Somaliland oo uu kasoo qayb galay madaxweyne Biixi, ayaa lagaga dhawaaqay barnaamijka dib u qaabaynta magaalooyinka Somaliland, madaxweynaha ayaana sheegay in laga fulin doono dhamaan Somaliland.

"Laascaanood ayaa ugu horaysay waxaana ku xigtay oo ku dayatay magaalada aqoonta iyo nabada ee Borama, waxana inoo balana in aynu magaalooyinka u samayno oo dhamaystirno qorshe magaaleedka" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay wasaarada howlaha guud iyo Injineeradii kasoo shaqeeyay qorshe magaaleedka, isagoo sheegay in xukuumadiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto injineerada iyo wasaaradaba.

Ilaa iyo hada waxa qorshe magaaleed dhamaystiran laga hirgaliyay magaalooyinka Laascaanood, Borama iyo Allaybaday.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]