7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 9 , 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Baraawe


Arbaco, Febraayo, 9, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta magaalada Baraawe ee Caasimadda Koonfur Galbeed ku qabtay doorashada 7 kursi oo ka mid ah 13 kursi oo magaaladaasi taala.

Doorashada kursiga ugu horeeyay ee maanta lagu doortay magaalada baraawe oo tirsigiisu yahay HOP 165, waxaa ku wada tartamay Musharaxiinta kala ahaa Saalim Caliyoow Ibroow oo kursiga horay ugu fadhiyay iyo Aadan Cismaan Xasan, waxaana kusoo baxay markale kursiga Saalim Caliyow oo helay codad gaaraya 70 cod, halka Aadan Cismaan uu helay 15 cod.

Kursiga labaad oo sumadiisu yahay HOP 161, waxaa ku wada tartamay Cabdullaahi Xuseen Faarax iyo Yuusuf Aadan Maxamed, waxaana ku guuleystay kursiga tartankaas Yuusuf Aadan Maxamed oo helay 80 cod, halka Musharaxii kale Cabdullaahi Xuseen Faarax uu helay 7 cod.

Kursiga sadaxaad ee HOP 44, waxaa isna ku tartamay Maryan Maxamed Cali iyo Faadumo Xasan Cumar, waxaana kusoo baxday kursiga Maryan Maxamed Cali oo heshay 73 cod, halka Faadumo Xasan ay ka heshay 10 cod.

Kursiga afaraad ee Maanta lagu doortay Baraawe oo sumadiisu yahay HOP 16, waxaa Maanta loo doortay oo ku guuleystay Xuseen Cali Xaaji oo helay codad gaaraya 81 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Ismaciil Xuseen Axmed uu heley 10 cod.

Kursiga shanaad oo tirsigiisu yahay HOP 152, waxaa markale dib ugu guuleystay doorashadiisa Cabdullaahi Axmed Abshir oo helay codad gaaraya 83 cod, halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Axmed Xasan Geedi uu heley 16 cod.

Kursiga lixaad ee HOP 153, waxaa ku guuleysatay Farxiyo Maxamed Cabdi oo heshay codad gaaraya 88 cod, halka musharaxii la tartamaysay oo aheyd Anisa Maxamed Xasan ay heshay 12 cod.

Kursiga todobaad oo ahaa kursiga ugu dambeeyay kuraasta Maanta lagu doortay Baraawe oo sumadiisu yahay HOP 151, waxaa markale ku guuleystay Cabdulaahi Xuseen Cali, isaga o helay codad gaaraya 78 cod halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Mahad Cali Axmed uu heley 17 cod.

Maalinta berito ayaa lagu wadaa in sidoo kale magaalada Baraawe ay ka dhacdo doorashada 6 kursi oo ka hartay 7-da kursi ee Maanta lagu doortay Baraawe, waxaana doorashada berito hadey dhacdo maamulka Koonfur Galbeed uu noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee soo gabagabeeya doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka ee laga soo doorto Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online