7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 9 , 2022
Somaliland iyo Taiwan oo ka wada hadlay ganacsiga iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah


Arbaco, Febraayo, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, ayaa qaabishay waftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland D.R Ciise Maxamuud Kayd, waxayna labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga ganacsiga, iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

Madaxweyne Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in Somaliland ay Taiwan u tahay albaab ay ka galayso Afrika, oo horseedi kara horumarka maalgashiga ay Taiwan rabto in ay ka fuliso qaarada Afrika, iyadoo sheegtay in Somaliland ay ku taalo bogcad istaraatiji ah.

Dhinaca Somaliland, wasiir Kayd, ayaa sheegay in hadii Taiwan kordhiso dhoofka badeecooyinkeeda ay ku gayso qaarada Afrika, ay labada dhinacba ka faa'iidi doonaan.

"Waxan maalgashada yaasha reer Taiwan kusoo dhawaynayaa qaaradayada, waynu ka wada faa'iidaysanaynaa oo Taiwan waxay kordhinaysa dhoofka alaabadeeda ee Afrika, anagana shaqa abuur ayaa u kordhaya dhalinyarada yada" ayuu yidhi wasiir Kayd.

Sidookale, wuxuu usoo bandhigay in ay Taiwan ka faa'iidaysato khayraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulka Somaliland.

"Markay noqoto macdanta, Somaliland khayraad badan ayaa ku jira, oo shisheeyuhu maalgashan karo sida, hydrocarbon deposits ka, saliida iyo shidaalka iyo dhuxul dhagaxda, kuwaasi oo lagu ogaaday sahamin la sameeyay sannadihii lasoo dhaafay" ayuu yidhi wasiir Kayd.

Wasiirka ayaa sidookale, sheegay in Taiwanese ku ay ka faa'iidaysan karaan maalgashiga dhinacyada dalxiiska, beeraha iyo kalluumaysiga Somaliland, dhaca  kalena, madaxweynaha Taiwan ayaa rajaysay in madaxweyne Biixi soo booqdo Taipei si loo sii adkeeyo xidhiidhka labada dhinac.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]