7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 9 , 2022
Jubbaland oo gurmad garasiisay in ka badan 3kun oo qoys oo abaaruhu saameeyeen
 

Arbaco, Febraayo, 9, 2022 (HOL) - Jubbaland ayaa gurmad kala duwan gaarsiisay qoysas gaaraya sadex kun iyo todobo boqol ( 3700 oo qoys ) kuwaa oo sameeyey abaaraha daran ee ka jira deegaanka.

Qoysaskan ayaa gurmadka lagu gaarsiiyay deegaanka luglow ee duleedka magaalada Kismaayo halkaas oo maamulka Jubbaland uu dib udajin ugu sameeyay dadkan.

Gurmadka la gaarsiiyay oo isugu jiray bur bariis saliid timir iyo agabyo kale, ayaa waxaa qeybinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubaland Cabduqaadir Xaji Maxamuud Lugadheere,  Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Cumar Cabdullahi Maxamed Faraweyne iyo Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiyada Juballand Cabdi Xuseen.

Dadka loo qaybiyey raashinka oo ay aad oga muuqato diifta, abaartuna ay ka laysay xoolihii ay heysteen waxa ay u mahadceliyeen Dowladda Jubaland oo raashinka soo gaarsiisay, iyagoo sidoo kale ka codsaday dadka muxsiniinta ah in gurmadyo kale ay lasoo gaaraan.

Jubaland ayaa dhowr jeer oo kala duwan qaylo dhaan ka muujisay xaalada abaaraha, xoolo badan ayaa ku baa’ba ay, waxaana ay kala hadashay arimaha abaaraha, Ganacsatada,  Hay’ado iyo beesha caalamka kuwaa oo dhamaantood ay ka codsatay in ay kaalin muuqata ka qaataan sidii loo samata bixin lahaa dadka ay abaartu saameeysay.

Deegaannadda Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay sida darran uga jiraan abaaraha, iyadoo boqolaal kun oo reer guuraa ah oo xoolihii ka dhamaadeen ay kusoo xaroodeen magaalooyinka sida Kismaayo, waxaana Jubbaland ay u sameysay xeryo kumeel gaar ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online