7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 9 , 2022
Maraykanka oo ku goodiyay inuu cunaqabatayn kusoo rogayo cid kaste oo carqalad ku ah doorashada Soomaaliya

Arbaco, Febraayo, 9, 2022 (HOL) - Wasaaraddda arrimaha dibaddda ee dowladda Maraykanka ayaa ku  dhawaaqday in la meel mariyay siyaasad ku wajahan in cuna-qabatayn dhinaca  fiisaha ah lagusoo rogo cid kaste oo ku lug leh carqaladaynta doorashada Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken, ayaa sheegay in Mareykanka uu si xooggan u taageersan yahay dadka Soomaaliyeed, ayna ka  go'an tahay inuu ka shaqeeyo horumarinta dimuqraadiyadda iyo danaha labada dal.

"Maanta oo ay ku beegan tahay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay xilligii uu dhamaaday muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhawaaqaynaa dhaqangelinta siyaasadda ku xusan qodobka 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha ee xaddidaya dal-ku-galka mas’uuliyiinta hadda ama kuwii hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ay ku lug leeyihiin, tallaabooyinka wax u dhimaya geeddi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya," aya lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Maraykanka ayaa sheegay in siyaasadani ay khusayso shaqsiyaadka doorka ku lahaa wax is daba-marinta ragaadisay hannaankii doorashada, kuwaas oo la sheegay inay gudan waayeen waajibaadkii loo igmaday si ay u hirgeliyaan doorasho hufan oo wakhtigeedii ku dhacda, islamarkaana hagardaamo iyo caga jugleyn ku haya suxufiyiinta iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka.

Hanjabaada dowladda Maraykanka ayaa lagusoo beegay siddeeda febraayo oo ku beegan hal sano kadib markii uu dhamaaday muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo, kaas oo hadda xafiiska fadhiya muddo 5 sano ah, kadib markii ay dowladdiisa ay ku guuldaraysatay inay qabato doorasho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online