7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 9 , 2022
Weerar lagu qaaday Masjid ku yaala degmada Afgooye oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad Salaad Tukanaayay
 

Arbaco, Febraayo, 9, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhex geysteen Masjid ku yaala gudaha degmada Afgooye.

Dableyda hubeysneyd ayaa gudaha u galay Masjidka lagu magacaabo Raqayle oo ku dhaw Wabiga Shabelle ayaa rasaas ku furay qaar ka mid ah dadkii gudanaayay waajibaadka Alle.

Waxaa inta la xaqiijiyay weerarka dableyda ku geeriyooday hal ruux waxaana ku dhaawacmay sadax kale, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday kooxdii weerarka ka dhex fulisay Masaajidka Raqayle ee degmada Afgooye.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada ee ku sugan degmada Afgooye ayaa tegay Masaajidka, iyaga oo howlgal ka sameeyay agagaarka Masaajidka, lamana oga sababta ka dambeysa weerarkan, waxaana xusid mudan in horay degmada Afgooye loogu dilay Imaamkii Masaajidka iyo wiil uu dhalay oo mu'adin ka ahaa Masaajidka.

Waa dhacdo aad u argagax badan oo si weyn looga hadal haayo saaka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ku aadan weerarka xalay ka dhacay Masaajidka Raqayle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online