7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2022
Nabadoon Caan ka ahaa gobolka Hiiraan oo Caawa lagu Dilay magaalada Baledweyne
 

Talaado, Febraayo, 8, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw oo Caawa lagu dilay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo kamid ahaa Odayaasha dhaqanka Baladweyne kuwa ugu caansan.

Kooxo hubeysan ayaa Nabadoonka ku dilay albaabka laga galo gurigiisa xili uu kasoo baxay Masjid u dhawaa gurigiisa oo uu kusoo tukaday Salaadii Maqrib, kaasoo ku yaala Xaafada Buundaweyn ee magaalada Baledweyne.

Nabadoonka ayaa ka mid ahaa tiro odayaal dhaqameedyo ah oo ka tirsan Waxgaradka Beesha Xawaadle oo maanta heshiis hordhac ah la gaaray madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Allah u naxariistee rasaasta lagu dilay Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo ka agdhawaa goobta lagu dilay Marxuum Cabdi Xuseen Coloow.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online