7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2022
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Waxgaradka Beesha Xawaadle oo heshiis horudhac ah ku gaaray magaalada Baledweyne

Talaado, Febraayo, 8, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta heshiis horudhac ah ku gaaray magaalada Baledweyne Waxgaradka Beesha Xawaadle iyo madaxda ugu sareysa maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Madaxweyne Guudlaawe oo maamulkiisa tabasho balaaran ay ka qabeen Beesha Xawaadle mudo 13 bilood ah, islamarkaana ay u diidanayeen inuu Baledweyne tago ayaa Maanta heshiis hordhac ah la gaaray Beesha Xawaadle, isagoona balan qaaday in maamulkiisa uu diyaar la yahay wax walba oo ay tabaneysay beesha in la siiyo.

"Waxaan maanta kulan qiimo badan la qaatay odayaasha nabadoonada iyo waxgaradka beesha xawaadle oo aan kala hadlay  tabasha ay ka qabeen Dowladda Hirshabeelle. Waxaan heshiis rasmi ah ka gaarnay tabashii ay qabeen anigoo ka aqbalay dhamaan qodobadii ay iisoo jeediyeen, waxaana ku balanay in maanta kadib aan ka wada shaqeyno midnimada iyo wadajirka Dowladda Hirshabeelle" ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Inkastoo Hirshabeelle ay sheegtay iney heshiis horudhac ah la gaartay Beesha Xawaadle hadana ma jirto qodobo rasmi ah oo cadeynaya heshiiska ay wada gaareen Waxgaradka Beesha Xawaadle iyo madaxda aare ee maamulka Hirshabeelle, hayeeshee waxay shaaciyeen in madaxweyne Guudlaawe uu aqbalay wax walba oo ay tabasho ka aheyd Beesha Xawaadle.

Laba maalin ka hor ayay aheyd markii madaxweyne Guudlaawe si awood ciidan ah lagu geeyay Baledweyne, waxaana kulankaan uu ahaa kii ugu horeeyay ee si fool ka fool ah u dhexmara madaxweynaha Hirshabeelle iyo Waxgaradka Beesha Xawaadle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online