7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2022
Somaliland: Wasiir diiday in uu hortago golaha wakiilada iyo sababta

Talaado, Febraayo, 8, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa diiday in uu horyimaado golaha wakiilada oo looga yeedhay, wuxuuna ku sababeeyay in uu hayo sir ciidan oo aanu ka sheegi karin gole furan, balse lagula balamo meel madal xidhan.

Wasiir Caateeye  ayaa sheegay in wasaaradiisu ay tahay mid xasaasi ah "Waa wasaarad xasaasi ah kuna abuuran xeerka kala xadaynta xukuumada, qodobka 44aad oo sheegaya in shaqadeedu tahay mid xasaasi ah oo la xidhiidha arrimaha ciidanka qaranka".

Wasiirka ayaa sheegay in uu hayo sir ciidan sidaa darteedna, aanu golaha waxba kula wadaagi karin madal furan oo la baahinayo, isagoo codsaday in lagula balamo madal xidhan oo anay warbaahintu goob joog ka ahayn.

"Sida ku xusan qodobka 253 ee xeerka ciqaabta guud oo dhigaya, in aan daboolka laga qaadi karin siraha rasmiga ah ee ciidamada awoodna anaaan u lahayn ka wasiir ahaan in xogtaa aan ku bixiyo meel furan oo la baahinayo, waxay iiga yeedheen gole waynaha ana waxan hayaa waa sir ciidan" ayuu yidhi wasiir Caateeye.

Wasiirka ayaa ku andacooday in hadii uu golaha ka hadlo ay suuragaltahay in uu faafiyo sir ciidan oo anay haboonayn in la baahiyo "Hadii ay gole waynaha iigu yeedhaan mar walba waxa afkayga kasoo baxaya waa sir ciidan, markaa sidaa darteed ayaanu uga joognay oo aanu nidhi waar halayskugu yimaado madal xidhan".

Xildhibaan Guruuje oo ah madaxa guddida difaaca ee golaha wakiilada, oo wasiirka u jawaabay ayaa sheegay in markii hore ay rabeen in ay guddi ahaan ula kulmaan wasiirka, lakin markii uu diiday tiraba 2 baaq oo loo diray, uu guddoomiyaha goluhu gole waynaha uga yeedhay.

Caateeye ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee diida in uu soo ajiibo yeedhmada golaha, waxaana horay u diiday sida goluhu sheegay wasiirka qorshaynta, oo aan kasoo jawaabin tiraba 5 waraaqood oo loo diray.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]