7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2022
In ka badan boqol guri oo ku gubatay dabka kacay Deegaanka Dirgooys ee gobolka Hiiraan

Talaado, Febraayo, 8, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Dirgooys ee oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dab xoogan oo ka kacay deegaankaasi uu baabi'iyay dhamaan guryahii ku yaalay deegaankaasi.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guud ahaan guryahii ku yaalay tuulada uu baabi'iyay dabka kacay oo aan ilaa had si rasmi ah loo xaqiijin karin waxa uu ka dhashay dabka, inkastoo wararka hordhaca ay sheegayaan inuu ka kacay goob qashin lagu gubaayay, dabadeedna uu dabka si deg deg ah ugu faafay dhamaan tuulada.

Gurmadyo kala duwan oo ka baxay degmada Jalalaqsi iyo deegaanada kale ee ku dhaw dhaw deegaanka Dirgooys ayaa la sheegay in halkaasi ay gaareen, lama sheegin ilaa hada khasaare dhimasho ah oo la xaqiijiyay marka laga soo tago guryo kor u dhaafaya 100 guri oo uu dabka baaba'shay.

Waa dabkii ugu xoogana inta la ogyahay waayadii dambe ka kaca deegaanka Dirgooys iyo guud ahaan nawaaxiga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online