7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2022
Somaliland oo Taiwan u dirtay waftigii ugu cuslaa tan iyo markii ay xidhiidhka yeesheen
 

Talaado, Febraayo, 8, 2022 (HOL) - Wafti ka kooban 4 wasiir oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland D.R Ciise Maxamuud Kayd, ayaa safar ugu baxay magaalada Taipei ee caasimada Taiwan kadib martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen madaxweynaha Taiwan.

Waftiga oo ka kooban wasiirka arrimaha dibada D.R Ciise Maxamuud Kayd, wasiirka xanaannada xoolaha Siciid Sulub Maxamed, wasiirka maalliyada D.R Sacad Cali Shire iyo wasiirka qorshaynta Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa Taipei ku joogi doona safar 5 cisho ah.

Waftiga ayaa mudada booqashadooda la kulmi doona saraakiisha ugu saraysa Taiwan oo ay ugu horayso madaxweyne Tsai Ing-wen, waxa kale oo la rajaynayaa in ay la kulmaan madaxda shirkada shidaal baadhista CPC ee ay dowladu leedahay oo Somaliland ka samaynaysa sahamin shidaal.

Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo aan mid koodna aqoonsi ka haysan caalamka, ayaa xidhiidh dibulumaasiyadeed yeeshay badhtamihii sannadkii 2020, iyagoo is waydaarsaday xafiisyo iyo wakiilo u kala fadhiya Hargaysa iyo Taipei.

Xidhiidhkan ayaa waxa markiiba si isku mid ah u cambaareeyey xukuumadaha Beijing iyo Muqdisho oo iyagu aaminsan in Somaliland iyo Taiwan ay ka kala tirsanyihiin Soomaaliya iyo China.

Taiwan ayaa Somaliland ka taageerta dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo tiknoolajiyada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]