7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2022
Muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ah oo lagu dilay magaalada Nairobi ee dalka Kenya
 

Talaado, Febraayo, 8, 2022 (HOL) - Dabley bistoolado ku hubeysan ayaa muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ah ku dilay deegaanka Pumwani ee degmada Kamkunji ee dalka Kenya, xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi.

Dilka muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa yimid kadib markii ay murmeen isaga iyo kooxda burcadda ah, kuwaas oo doonaysay in ay dhacaan ganacsigiisa.

Kooxda dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday kadib markii ay toogteen ninkaasi. Mana jirto cid aqoonsatay.

Booliska Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ay wadaan baaritaano lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilkaasi.

Deegaannada hoos yimaada magaalada Nairobi ee  ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo kordhayay falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Shacabka ayaa ka cabanaya kooxo burcad ah oo dhac u geysanaya xarumaha ganacsiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online