7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya qarax Miino oo lala eegtay kolanyo ka tirsan ciidamada Kenya

Talaado, Febraayo, 8, 2022 (HOL) - Kolanyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee ka midka ah howlgalka AMISOM ayaa la sheegay in qarax lagula beegsaday meel aanan ka fogeyn deegaanka Kambokni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa lala eegtay ciidamada Kenya ayaa la sheegay inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, kaasoo qabsaday mid ka mid ah gaadiidkooda, xili ay kusii jeedeen iney biyo kasoo dhaansadaan deegaanka Kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in qaraxaasi miino uu geystay khasaaraha dhaawaca ilaa 7 askari oo ka tirsan ciidan Kenya, kuwaas oo qaraxa kadib furay rasaas farabadan, waxaana la sheegay in wax khasaare ah aysan geysan rasaastaasi.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa lala beegsaday ciidanka Kenya, islamarkaana sheegtay inay gubeen mid kamid ah gaadiidka ciidamada Kenya.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidamada Kenya qaraxa miino lala eegtay, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidamada qaraxa lala eegtay ay sii wateen Socdaalkooda.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro toos ah, kuwa gaadmo iyo qaraxyo ah ku qaada ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online