7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 8 , 2022
Qaramada Midoobay oo digniin xooggan kasoo saartay xaaladda bini'aadanimo ee Soomaaliya
 

Talaado, Febraayo, 8, 2022 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 4.3 milyan oo qof ay saameeyeen abaarta ba’an ee ka jirta qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa sheegay in abaarta sii kordhaysa ay keentay in ilaa 271,000 oo qof ay ka tageen guryahoodii iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo baad.

"Iyadoo xilli roobaadka soo socda aan la fileynin illaa iyo Abriil 2022, Soomaaliya waxay ku dhaygagaysaa masiibo dhici karta," UNOCHA ayaa sidaasi ku sheegtay jawaabteedii ugu dambeysay ee ay kasoo saartay abaarta Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay uu 25 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah u qoondeeyay wax ka qabashada Abaaraha, waxaana Sanduuqa Bani'aadamnimada Soomaaliya uu dhaqaalahan ku kabay 6 Milyan oo Doollar.

UNOCHA  waxay sheegtay in maalgelin dheeri ah si degdeg ah loogu baahan yahay, taas oo loogu talagalay Qorshaha Ka jawaabidda Bani'aadamnimada ee Soomaaliya 2022.

UNOCHA waxay ka digtay in abaartu ay sii xoogeysato iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso khatarta ah in xilli roobaadkii afaraad oo xiriir ah uu baaqsado horraanta sanadka 2022-ka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online