7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 7 , 2022
Raysal wasaare Rooble oo ka digay musiibo qaran oo ka dhalan karta abaaraha dalka ka jira
 

Isniin, Febraayo, 7, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka digay saamaynta ka dhalata abaaraha ka jira dalka in ay isku beddesho musiibo qaran, haddii aanan la dardargelin gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay ganacsatada, culimada iyo bulshada rayidka ah,  ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shacabka iyo dowladduba isu kaashadaan sidii loo gargaari lahaa dadka abaartu saameysay guud ahaa gobollada dalka.

“Way ka sii dareysa xaaladda abaartu, haddii aan dadaallada gurmadka la dedejin lana mideyn, waxay y xuub siiban kartaa macluul keenta masiibo xoog badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo mar kale ku celiyay in dalku ku jiro xaalad abaareed oo saameysay in ka badan 5 Milyan oo Soomaali ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kulammo kala duwan la yeeshay madaxda dalal iyo hay’ado kala duwan oo uu kala hadlay sidii ay gurmad degdeg loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu faraha ba’an ku hayso.

“Howlaha doorashada ee dalka ka socda waxay muhiim u yihiin mustaqbalka dalka, balse waa in aysan naga mashquulin in aan u gurmanno, dadkeenna abaarta, oonka iyo gaajada la il daran, sidaas ayay muhiim in culimada, bulshada rayidka iyo ganacsatadu kaalin hormuud ah ka qaataan howsha gurmadka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo tilmaamay inay xukuumaddiisa ka go’an tahay sameynta wax kastoo karaankeeda ah.

Soomaaliya ayaa ku sugan xaalad abaareed oo aan dalka soo marin muddo sanado ah, waxaana aad u yaraaday Roobabkii di'i jiray, taasoo keentay  in culayska abaaruhu sii xooggaystaan.

Dowladda Soomaaliya oo hadda ku jirta arrimo doorasho iyo khilaaf ka dhex jira xafiisyada ugu sareeya dalka ayaa sababtay in awoodda ka jawaabida abaaraha ay noqoto mid gaabis ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online