7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 4 , 2022
Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya


Jimco, Febraayo, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka duulay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, isagoo halkaas kaga qayb galaya meertada 35-aad ee shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib u habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunto yarida iyo cudurka COVID-19.

"Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynahan Midowga Afrika" ayaa lagu qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo, waxaa halkaas soo dhoweyn heerkeedu sareeyso ugu sameeyey wasiiro kala Duwan oo ka tirsan Xukuumadda Raysal Wasaare Abiy Axmed Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Danjire Cabdilahi Ahmed Jamac.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online