7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 4 , 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay jadwalka Doorashada 13 kursi oo lagu qabanayo magaalada Baraawe

Jimco, Febraayo, 4, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 13 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baraawe.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in berito oo bisha tahay 05.02.2022 la xareynayo ergada dooraneysa 13-ka kursi, islamarkaana la diiwan gelinayo Musharaxiinta kuraasta 13-ka kursi  8-da bishaan oo ku beegan Talaadada soo socota.

Kuraasta lagu dooranayo Baraawe ee la shaaciyay ayaa tirsigoodu yahay HOP 165, HOP 044, HOP 161, HOP 152, HOP 016, HOP 151, HOP 153, HOP 173, HOP 150, HOP 155, HOP 080, HOP 250 HOP 160, waxaana doorashadoodu ay dhici doonaan maalmaha Arbaca iyo Khamiista ee todobaadkan soo socda oo ay taariiqdu ku beegan tahay 9-ka iyo 10-ka bishaan Febraayo 2022.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadii uu qabto todobaadkan soo socda doorashada 13-ka kursi waxuu noqon doona maamulkii ugu horeeyay ee dhameystira doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Jadwalka Doorashada 13-ka kursi ee Baraawe Taala.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online