7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 4 , 2022
Somaliland: Shil dad ku dhinteen oo dhacay degmada Gabilay

Jimco, Febraayo, 4, 2022 (HOL) - Hal qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo dhacay degmada Gabilay ee Somaliland, baabuurka Shilka galay ayaa ahaa dhooli (ambulance) ah oo ay leedahayd Sixa Ambulances.

Qofka dhintay ayaa ah darawalkii waday baabuurka dhooliga ah, oo isagu kaligii saarnaa baabuurka burburay.

Ciidamada damdamiska degmada Gabilay ayaa baabuurka shilka galay gurmad u fidiyay , waxayna sheegeen in aan wali la ogayn sababta shilka dhalisay, isla markaana ciidamada booliisku ay baadhis ku hayaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]