7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 4 , 2022
Gaari ay saarnayeen dad shacab ah oo Miino kula qaraxday duuleedka Magaalada Kismaayo
 

Jimco, Febraayo, 4, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in gaari ay saarnayeen dad shacab ah ay miino kula qaraxday deegaanka Gaabogabdhoole oo ku yaala duuleedka magaalada Kismaayo.

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho ayaa soo gaaray dadkii rakaabka ahaa ee saarna gaariga miinada haleeshay oo noociisu yahay nooca ay Soomaalidu u taqaano Homey.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in qaraxa miino uu sababay dhimashada inta badan dadkii shacabka ahaa ee gaariga saarna, walow aanan si rasmi ah loo ogeyn ilaa hadda tirada rasmiga ah ee ku dhimatay qaraxa miino ee gaariga safarka ahaa qabsaday.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa miino ayaa la geeyay Isbitaalada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, Sarakiil ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay in falka qaraxa ah ay ka dambeeyaan Ururka Al-Shabaab oo ay sheegeen in miinada ay goobta ku aaseen.

Marar badan oo hore ayaa wadooyinka ku yaala gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo waxaa sidaan oo kale qaraxyo miino ay haleeleen gaawaari rakaab ah oo marayay wadooyin ku yaala Jubbada hoose iyo Gedo, waxaana qaraxyadaasi miino ee haleela gadiidka Shacabka ah, inta badan loo dhiga ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online