7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 4 , 2022
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo goordhaw u duulay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya
 

Jimco, Febraayo, 4, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo kusii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ujeedka safarka wafdiga madaxweyne Farmaajo ee dalka Itoobiya ayaa ah ka qeybgalka Shirka meertada 35-aad ee shirweynaha Ururka Midowga afrika oo maalnta berito ah ka furmaya magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka itoobiya.

Shirweynaha Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa ka qeybgalaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo madax kale, waxaana looga hadli doona dib u habeynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga sanadka 2063 iyo caqabaha kala duwan ay wajaheyso Qaaradda Afrika.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu kaga qayb galayo meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika. Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19" ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Mudada uu madaxweynaha Mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu halkaasi kulamo kala duwan kula yeesho qaar ka mid ah madaxda dalalka Afrika ee qeybta ka ah shirweynaha Ururka Midowga Afrika ee berito ka furmaya Addis Ababa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online